Minnesota

December 1, 2005

By: C/raxman Ceynte

Minneapolis
, MN (HOL) – Gacantii buugga iyo qalinka dhigi weysaaba mar beey billad
ku bullaashaa. 42 sano oo qalin dhigid ah kadib, Abwaan Saciid Saalax
Axmed ayaa toddobaadkan ku guuleystay billada qadarinta leh ee Adeegga
Bulshada oo ay abaal mariso hay’adda Mcnight Foundation ee saldhigeedu
yahay gobolkan Minnesota.

Abwaan Siciid Saalax wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag ee Somaliya,
halkaas uu illaa dugsi dhexe ku qaatay, ka hor intaanuu cagtiisa la
helin dugsiga sare ee Camuud ee Boorame. Malaha halkaas oo uu ka soo
shitay shumacii iftiimayey ee waxbarashada tayada leh ee Camuud.
Jaamacadda Lafoole ayuu kadib-na galay.

Abwaan Siciid waa Soomaaligii labaad ee ku guuleysta billada noocan
ah.

Hadii mahadhadiisa la soo hadal qaado, abwaan Siciid Saalax wuxuu
curiyey in ka badan 32 riwaayadood iyo tobaneeyo heesood. Midda ugu
magac dheer riwaayadihiisa waa middii uu alifay inta uu curiyihiisu
carjawga ahaa: “Iftiinka Aqoonta” oo uu 1974-tii, markii Ololaha
Horumarinta Reer Miyiga loo tafa-xaytay allifay. Heesta caanka ah ee
“Alif la kor dhabay, alif la hoos dhabay, alif laa goday” ayaa si weyn
loogu xusuustaa riwaayaddaas.

“Noloshayda badankeed ayaan bare ahaa” ayuu yiri Abwaanka oo ii
waramaya “ min dugsi hoose, dhexe, sare illaa jaamacad ayaan bare ka soo
noqday” ayuu raaciyey. Markii dagaalkii sokeeye qarxay, Abwaan Siciid
Saalax qalinkiisa wuxuu ula soo hoyday xero qoxooti oo ku taalla Kenya
“halkaas oo aan ka askumay goob waxbarasho, iyadoo aan waxbarasho-ba loo
soo hanqal taagneyn” ayuu ii sharaxay. “Markii aan Mareykan imid-na, si
bilaash ah ayaan arday Soomaaliyeed wax ku bari jiray, ka hor
intaaneey-ba shaqo ii noqon”.

Abwaan Siciid Saalax oo aan wali dhulka dhigin qalinkii uu Camuud iyo
Lafoole khadda ka soo darsaday ayaa imminka bare ka ah dugsiga dhexe ee
Sanford ee Minneapolis oo ay Soomaali badan dhigtaan. Maadooyin ay
Sayniska, English-ka iyo Soomaaliga kamid yihiin ayuu dhigaa. “Qolka
ayaa igu yaraada” ayuu yiri isagoo ka hadlaya iskuulka uu wax ka dhigo “
Markaas ayaan u yididiiloodaa inaan jamaahiir ballaaran codkeyga
gaarsiiyo” Isagoo taas ka amba qaadaya ayuu wakhtiga u soo hara allifaa
riwaayado ama sheekooyin gaaban oo la xiriira dhaqanka irdhoobay ee
Soomaalida. Waxaa kamid ah: “Fariimaha Koorta”, “Kalamaan” iyo “Nabad &
Caano” oo sanadka dambe soo bixi doonta. Dhab ahaantii, Koorta geela
qoorta looga laalaadiyo astaan ayay u ahayd abwaanka dhowrkii sano ee na
dhaaftay. Kulamo dhowr ah oo aan kula kulmay wuxuu abwaanku sittay
koortaas marka uu hadlayo, isagoo waliba ka dhawaajinaya “dhawaaqaas oo
aan ku sheego dhaqankeena” ayuu igu yiri. Sheekooyinkiisa waxaa laga
baahiyey warfaafinta jaaliyadda ee gobolkan.

Abwaan
Siciid Saalax oo uu imminka madixiisu da’a la cirroobay ayaysan
xasuustiisu wali daxalaysan. Gabayo iyo riwaayado uu BBC-da u sameeyey
soddon sano kahor ayuu deel qaaf-kooda wali dusha ka hayaa. Waxaa ka mid
ah riwaayaddii “War jiraa-ba cakaaruu iman” oo ahayd taxane looga
hadlayey nabadaynta Soomaaliya.

Nabadeyntaas oo uusan wali ka nasan. Abwaan Siciid Saalax wuxuu qayb
ahaan aasaasay ururka Somali Action Alliance oo Soomaalida ku wacyi
galiya doorashooyinka iyo ka qayb galka nidaamka doorashooyinka xorta ah
iyo dowladaha hoose. Agaasimaha ururkaas, Mudane Shafi Cabdi oo aan
abwaan Saalax wax ka weydiiyey ayaa yiri” Siciid Saalax aaa nolosha
aqoonta iyo luqadda Soomaaliyeed ee jaaliyadda Minnesota”. Hadiiba
Af-Soomaali iyo suugaan la soo hadal qaado, Siciid Saalax ayaa maanka in
badan oo Jaaliyadda ka tirsan ka soo maaxda.

Sifooyinkiisa, Siciid Saalax, wey dhaafsiisan yihiin Abwaan oo
kaliya; Waa macallin, gabyaa, mu’allif ama curiye, soo saare, nabadoon
iyo midda ugu muhiimsan: U adeegaha bulshada. Taas oo uu ugu dambeyntii
ku mutay billadda Virgina McKnight Binger Award oo ay ku lifaaqan tahay
kuus gaaraya $7500.00 Xaaskiisa iyo 15 ubadkiisa ah, oo isugu jira kuwa
uu dhalay iyo kuwa ay sii dhaleen ayaa ku caafimaad qaba gobolkan
Minnesota.

Dadka si xeel dheer u yaqaan Abwaan Siciid Saalax Axmed waxeey isku
raaceen inuusan marnaba isla weyneyn, uuna ka saaxiib yeelan karo
carruur iyo ciroole, hadba sidii ciyaartu u qabato.

Xilkasnimada McKnight ku abaal marisay ayeey HOL-na ku xulatay
Abwaanka.

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis , MN
[email protected]

Xigasho Hiiraan online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *